Goobo Argagixisadu ku dhumaaleysanayeen oo la bur-buray “SAWIRRO”

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgalo Burburin ah Ka sameeyey degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose .

Hawlgalkaan  oo u jeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay Nabadiidku ka dhigtaan gabaadka . Sidoo kale waxa ay guri-guri  u bareen guryihii ku yaalay degaanka Mubaarak.

Intii lagu gudo jiray baritaanka Ciidanku waxa ku gulaysteen in ay burburiyaan goob ay nabadiidku ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan  maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumalaysanayey degaanka oo uu kamid ahaa horjoogihii Maaliyadda ee degaanka Mubarak u qaabilsanaa Argagixisada horjoogahaas oo lagu magacaabo  Abuu Salmaan .

Sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka  u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee hogaaminayo howlgalka .

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo lagu baacsanayo nabadiidka Al-Shabaab oo wali ka sii soconaya Gobalka Shabeellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...