Wasiirka Arrimaha Dibadda ” Heshiiskii 17-kii September waa heshiis taagan oo u baahan in la fuliyo”.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb: Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta Dowladda uga warramay Kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirka si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Doorashada iyo bini-adanimada Soomaaliya, isagoo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabaneysaty.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xoojiyay in ay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, taas oo horseedeysa in la gaaro doorasho loo dhan yahay.

“ Arrinkan markii ugu horeysay ma ahan meelo kala duwan baan kaga soo hadalnay heshkiiskii 17-kii September waa heshiis taagan una baahan in la fuliyo,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha Qaranka.

Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...