Wafdi ka socda Galmudug oo kormeeray dekadda magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

Date:

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekadda Degmada Hobyo, halkaasi oo ay ku soo xiratay Dooni Ganacsi muddo bil gudiheed ah, iyagoo kormeer indha indhayn ah ku sameeyey dhismaha dekadda Hobyo iyo qaabka wax uga dagayaan halkaasi.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug oo ay wehlinayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, mas’uuliyiin kale iyo maamulka Degmada Hobyo.

Maareeyaha Dekadda Habyo Cabdirisaaq Maxamed Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Hobyo ayaa ku soo dhaweeyey dekadda wafdiga ka socday Galmudug, iyagoo warbixin ka siiyay howlaha ka socda dekadda magaalada Hobyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Muqtaar Cali Cismaan iyo Wasiiru dowlaha Wasiiradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug ay ganacsatada u samaynayso canshuur dhaaf, si loogu dhiiri geliyo in degaankooda maalgashtaan.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda howlo ganacsi oo maalinba maalinka ka dambeeya sii xoogaysanaysa, isla markaana ay ganacsatada Galmudug ku sii dhiiranayaan maalgashiga deegaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...