War-Saxaafadeed ku saabsan Natiijadii Shirarkii Dhuusamareeb ee 1-6 Febraayo.

Date:

Muqdisho, 8 Febraayo 2021 – Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...