Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay qorshe ay argagaxisadu ku qal qalin rabtay amaanka Dhuusamareeb

Date:

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay caawa fuliyeen waxa ay nolosha kusoo qabteen Maleyshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo qorsheynayay in ay Hoobiyaal ku weeraraan magaalada Samareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mida dhagar qabayaasha Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiidkii, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...