Hay’adaha amniga oo faah faahiyay howlkii lagu soo afjaray weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashey.

Date:

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan xalay weerarkii kooxaha argagixisada ay ka geysteen gelinkii dambe ee shalay maleeshiyaadka arggagixisada ee Al-shabaab.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta lahadlay kadib soo afjarista weerarka ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashey iyo howlalkii ay ciidamada ammaanku ay ku soo afjareen weerarkaasi.

Wuxuu sheegay in ilaa 9 qof ay ku dhinteen in ilaa 10 kale in ka badana ay ku dhaawacmeen,weerarkaasi,4 kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa arggagixisadii weerarka soo qaaday,midkii is qarxiyay iyo 3 kale oo howlgalkaasi lagu khaarijiyay,sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ahaa Generaal Maxamed Nuur Galaal iyo shacab kale  oo halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa mudadii uu howlgalkaasi socday ku guuleystay in ay soo bad baadiyaan dad isugu jiray mas’uuliyiin,ganacsato iyo shacab kale,iyagoo ka hortagay qorshaha maleeshiyaadka Alshabaab oo ahaa in ay laayaan dhamaan dadka shacabka ah.

Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana suuro gal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato,sida uu sheegay  afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...