Dowlada Turkiga oo canbaareysay weerarka argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii argagaxisada ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga .

Ugu danbeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka argagaxisada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....