Dhismaha Wadooyinka bur bursan oo qeyb weyn ka qaadanaya bilicda caasimadda+(SAWIRRO).

Date:

Gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka warbixiyay heerka uu maraayo dhismaha laamiga isku xera Shabeele ilaa isbitaalka Martiini oo uu horay u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

“waxaan u mahad celinayaa duqa Magalaada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo naga aqbalay codsigii ahaa in naloo dhiso wadooyinka Burbursan ee ku yaala dagmada Xamar Weyne” ayuu yiri gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne

Waxa uu intaa ku daray Gudoomiye Cabdiqaadir “waa laamigii labaad ee naloo hirgeliyo tan iyo intii uu xilka haayay gudoomiye Cumar Filish”

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dulqaataan inta ay shaqada Socoto “wadada ka bilaabata Shabeele ee tagtay Isbitaal Martiini ayaa ah mid gabagabo ah.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala Wadadaasi iyo gaadiidka ka codsaneynaa in  ay muujiyaan dulqaad inta ay shaqada ka dhamaaneeso” ayuu yiri Guddoomiye Cabduqaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...