Xarumo Caafimaad oo si isku tashi looga hirgaliyay deegaano hoostaga Gobolka Nugaal “Sawirro”.

Date:

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Madax waaxeedyo ka tirsan wasaarada Caafimaad ka Puntland ayaa kormeer indha indhayn iyo u kuurgalid ah ku tagay Deegaanada Suubaan iyo Warguduud oo ka tirsan Gobolka Nugaal isagoona wasiirku xariga ka jaray dhismayaal kala duwan oo lagu daray laba MCH oo ku kala yaaala deegaanadaasi.

Dhalinyaro, aqoonyahan iyo ganacsato wada jira ah ayaa ku guulaystay in si isku tashi ah ku dhisaan qaybta dhalmada hooyada iyo xaanada Caruurta ee Warguduud taasi oo baahi la taaban karo ay ka jirtay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa bogaadiyay Bulshada deegaanadaasi iyo isku tashigooda xarumaha caafimaad siina raaciyay in dowladu qaadanayso doorkii qalabaynta iyo helitaanka shaqaale xirfadyahano ah.

Sidoo kalana wasiirka ayaa xariga ka jaray ballaarin lagu sameeyay xaruntii caafimaad ee Suubaan oo horay u bixin jiray adeegyo caafimaad oo kala duwan bulshada deegaanadaasina ballaarin iyo dib u dhis ku sameeyeen.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa dhankiisa arin ku dayasho mudan ku tilmaamay dadaalka bulshadaani iyo kooxdan u istaagtay wax u qabadka bulshadii ay awal ka yimaadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...