Kulanka guddiga amniga gobalka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland oo lagu soo bandhigay walxaha qarxa oo howlgalo lagu soo qabtay.

Date:

Kulanka guddiga amniga gobalka Mudug ee Puntland oo uu shir gudoominayay wasiir ku xigeenka amniga  Dowlad Goboleedka Puntalnd Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa lagu soo bandhigay walxaha qarxa kuwaa oo lagu soo qabatay sida ay sheegeen howlgalo ciidamada amniga Puntaland ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyadoo dhanka kalana kulanka laga soo saaray amaro qeyb ka ah xoojinta amniga iyo dar dar galinta  la dagaalanka argagixisada

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug ee puntaland g/sare Muumin Cabdi Shire iyo gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga horeyn kulanka ka hadlay waxaana ay ka warbixiyeen amniga gobalka iyo waxyaabihii u qabsoomay todabaadkaan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdulaahi Cabdisalaan ayaa isna bogaadiyey sida wanaagsan oo ay ciidanka amniga dadaal badan ugu bixiyeen sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga iyo la shaqeynta maamulka ee ciidamada amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...