Kulanka guddiga amniga gobalka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland oo lagu soo bandhigay walxaha qarxa oo howlgalo lagu soo qabtay.

Date:

Kulanka guddiga amniga gobalka Mudug ee Puntland oo uu shir gudoominayay wasiir ku xigeenka amniga  Dowlad Goboleedka Puntalnd Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa lagu soo bandhigay walxaha qarxa kuwaa oo lagu soo qabatay sida ay sheegeen howlgalo ciidamada amniga Puntaland ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyadoo dhanka kalana kulanka laga soo saaray amaro qeyb ka ah xoojinta amniga iyo dar dar galinta  la dagaalanka argagixisada

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug ee puntaland g/sare Muumin Cabdi Shire iyo gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga horeyn kulanka ka hadlay waxaana ay ka warbixiyeen amniga gobalka iyo waxyaabihii u qabsoomay todabaadkaan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdulaahi Cabdisalaan ayaa isna bogaadiyey sida wanaagsan oo ay ciidanka amniga dadaal badan ugu bixiyeen sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga iyo la shaqeynta maamulka ee ciidamada amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...