Xarumo Caafimaad oo si isku tashi looga hirgaliyay deegaano hoostaga Gobolka Nugaal “Sawirro”.

Date:

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Madax waaxeedyo ka tirsan wasaarada Caafimaad ka Puntland ayaa kormeer indha indhayn iyo u kuurgalid ah ku tagay Deegaanada Suubaan iyo Warguduud oo ka tirsan Gobolka Nugaal isagoona wasiirku xariga ka jaray dhismayaal kala duwan oo lagu daray laba MCH oo ku kala yaaala deegaanadaasi.

Dhalinyaro, aqoonyahan iyo ganacsato wada jira ah ayaa ku guulaystay in si isku tashi ah ku dhisaan qaybta dhalmada hooyada iyo xaanada Caruurta ee Warguduud taasi oo baahi la taaban karo ay ka jirtay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa bogaadiyay Bulshada deegaanadaasi iyo isku tashigooda xarumaha caafimaad siina raaciyay in dowladu qaadanayso doorkii qalabaynta iyo helitaanka shaqaale xirfadyahano ah.

Sidoo kalana wasiirka ayaa xariga ka jaray ballaarin lagu sameeyay xaruntii caafimaad ee Suubaan oo horay u bixin jiray adeegyo caafimaad oo kala duwan bulshada deegaanadaasina ballaarin iyo dib u dhis ku sameeyeen.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa dhankiisa arin ku dayasho mudan ku tilmaamay dadaalka bulshadaani iyo kooxdan u istaagtay wax u qabadka bulshadii ay awal ka yimaadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....