Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka wasiirka Warfaafinta uu la qaatay Danjire Qin Jian waxaa ku wehliyay agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) Cali C/qaadir Cali iyo lataliye Cabdiraxmaan Mubaara,waxaana mudadii uu socday diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga warbaahinta labada dal,iskuxirka Wakaaladaha Wararka SONNA iyo Xinhua ee Shiinaha iyo Soomaaliya,Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kan Dalkaasi ee CCTV iyo Radio Muqdisho,iyo sidii ay uga geysan lahaayeen tayenta warbaahinta.

Mudane Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha wada shaqeynta kala dhexeyso Warbaahinta Dowladda,isagoo xusay in loo baahan yahay in la kordhiyo fursadaha sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha warbaahinta Qaranak,si loo tayeeyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah kaasi oo u dhexeeya labada dowladood,lagana fogaado waxkasta oo xiriirkaasi wax u dhimi kara.

Danjire Qin Jian ayaa soo dhaweeyey hadalka wasiirka Warfaafinta,isagoo balanqaaday in warbaahinta labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo ilaalinta danahal labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha,wuxuuna balanqaaday in uu kordhinayo deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan wasaaradda Warfaafinta gaar ahana shaqaalaha warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...