Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka wasiirka Warfaafinta uu la qaatay Danjire Qin Jian waxaa ku wehliyay agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) Cali C/qaadir Cali iyo lataliye Cabdiraxmaan Mubaara,waxaana mudadii uu socday diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga warbaahinta labada dal,iskuxirka Wakaaladaha Wararka SONNA iyo Xinhua ee Shiinaha iyo Soomaaliya,Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kan Dalkaasi ee CCTV iyo Radio Muqdisho,iyo sidii ay uga geysan lahaayeen tayenta warbaahinta.

Mudane Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha wada shaqeynta kala dhexeyso Warbaahinta Dowladda,isagoo xusay in loo baahan yahay in la kordhiyo fursadaha sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha warbaahinta Qaranak,si loo tayeeyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah kaasi oo u dhexeeya labada dowladood,lagana fogaado waxkasta oo xiriirkaasi wax u dhimi kara.

Danjire Qin Jian ayaa soo dhaweeyey hadalka wasiirka Warfaafinta,isagoo balanqaaday in warbaahinta labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo ilaalinta danahal labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha,wuxuuna balanqaaday in uu kordhinayo deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan wasaaradda Warfaafinta gaar ahana shaqaalaha warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...