Dawladda oo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda.

Date:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Muuqaalada lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...