Xaalada magaalada Washington ayaa kacsan kadib markii taageera yaasha Donald Trump ay xoog ku galeen dhismaha Capitol

Date:

Taageero yaasha Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol ee magaalada Washington halkaas oo uu ka socday kulan labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka ku ansixinayeen madaxweynaha la doortay ee Joe Biden .

Xildhibaanada ayaa laga saaray dhismaha kadib markii hoolka ay ku shirayeen ay galeen taageerayaasha Trump oo careysan islamarkaana qeylinaya

Ilhan Omar oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegtay in ay badqabto balse ay ka qalbi jabsantahay kana xun tahay waxa ka dhacay Capitol .

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo goobta joogay ayaa waxaa la cararay ciidanka gaarka ah sida saxaafada mareykanku ay sheegeyso.

Nancy Pelosi oo hogaamisa Congresska Mareykanka ayaa ka dalbatay Donald Trump in uu taageerayaashiisa u sheego in ay ka baxaan xarunta Capitol

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyada Mareykanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...