Dad shacab ah oo duleedka magaalada Xudur uga geeriyooday walxo qarxa oo meel duur ah kula kacay

Date:

Sadax qof  oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur  ku geeriyoodey ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay  xaqiijiyeen ehelada  dadka geeriyooday oo meesha ka dhawaa

Lama oga nooca walxaha qarxey mana aheyn wax iyaga loo dhigey, haseyeshee dadka tuulada waxay  sheegeen in gumac rasaas ay umaleeyeen hoobiye aan qarxin goobta qaraxa ka dhacay uu ooli jiray

Allaah unaxariistee Cumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed oo ku geeriyooday goobta walxaha qarxa kula kaceen waxay ifka uga tageen shan iyo toban caruur ah iyo sadax  xaas, halka gabadha oo 17 jir aheyd dhaawac halis ah ka soo gaarey qaraxa ka dibna isbitaalka xuddur ugu geeriyootay.

Walxo qarxa oo bulshada aan aqoon ulaheyn ayaa inta badan lagu arkayaa tuulooyinka iyo deegaanada kale maadaama dagaalo ka socdaan cid dadka ka wacyigelisana aysan jirin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...