Sadax qof oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur ku geeriyoodey ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay xaqiijiyeen ehelada dadka geeriyooday oo meesha ka dhawaa
Lama oga nooca walxaha qarxey mana aheyn wax iyaga loo dhigey, haseyeshee dadka tuulada waxay sheegeen in gumac rasaas ay umaleeyeen hoobiye aan qarxin goobta qaraxa ka dhacay uu ooli jiray
Allaah unaxariistee Cumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed oo ku geeriyooday goobta walxaha qarxa kula kaceen waxay ifka uga tageen shan iyo toban caruur ah iyo sadax xaas, halka gabadha oo 17 jir aheyd dhaawac halis ah ka soo gaarey qaraxa ka dibna isbitaalka xuddur ugu geeriyootay.
Walxo qarxa oo bulshada aan aqoon ulaheyn ayaa inta badan lagu arkayaa tuulooyinka iyo deegaanada kale maadaama dagaalo ka socdaan cid dadka ka wacyigelisana aysan jirin.