Madaxweynaha Puntland oo casho sharaf u sameeyay martidii ka qeyb gashay shirkii Garowe+(Sawirro).

Date:

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni,ayaa xalay Casho sharaf u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo Garowe kaga qeyb galay doodaha aragti-wadaaga ee Machadka Heritage.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweynaha Puntland Mudane Sicidi Cabdullaahi Deni ayaa sheegay  in doodaha aragti-wadaaga ee Machadka Heritage uu kusoo aaday marxalad loo baahnaa in madaxda Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo fursad ay kuwada hadlaan oo wax ku rogrogaan ay helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...