Wasaaradda Ganacsiga oo kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta kala diray rugta ganacsiga iyo Warshaha, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomalaiya ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa sheegay in Wasiirka uu si KMG ah u magacaabay guddi ka kooban Guddoomiye, labo ku-xigeen iyo 30 xubnood oo matala ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga KMG ah ayaa sii wadayo shaqada rugta ganacsiga inta laga diyaarinayo hannaan doorasho muddo ku siman 60 cisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...