100 Muwadiniin Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay+(SAWIRRO).

Date:

Boqol dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibnaa dalka Libiya ayaa lagu guuleystay in dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay, waxaana howshan is ka kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Socdaalka ee marka  magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IOM.

Muwaadintiintan dalka dib loogu soo celiyay oo tiradoodu ahayd 100, qof ayaa 60 ka mid ah waxaa la geeyay magaalada Hargeysa, halka inta kale ay ka soo degeen magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada oo dalka Libya tahriib ku tagay, ayaa waddankaasi dhibaato badan kala kulmay, qaarkood illaa 2-3 sano waxay gacanta ugu jireen kooxaha dadka ka ganacsada ee Magafe loo yaqaan.

Soo celinta dhallinyarada waxaa si wada jir ah iskaga kaashaday Ergeyga gaarka ee Xafiiska Ra’isul Wasaarada, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Libiya.

Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha ayaa sheegtay inay qorsheynayaan sidii inta hartay ay dib u heli lahaayeen xoriyaddooda, ayna ka shaqeynayaan xillli kasta sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Danjire Maryan ayaa xustay shaqada hufan oo ah qanbeen mudane Sadaam Garaad oo Xafiiskeeda ka mid ah iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli Mudane Ibraahim Axmed Nuur oo si wanaagsan shaqada u wado maalin walba.

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradaan dalka dib loogu soo celiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...