Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo ka qeyb galay shir weynaha labaad ee haweenka Ganacsatada+(SAWIRRO).

Date:

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shir-weynihii labaad ee haweenka ganacsatada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan, ayaa loogga hadlay siddii loo dhiiri-gelin lahaa ganacsiga haweenka, wax-ka-qabashada caqabadaha jira iyo sidii loogu fududeyn lahaa ganacsiga, gaar ahaan maal-gelinta ay sameeyaan baananka wadanka iyo hay’adaha kale ee Maaliyadeed.

Wasiir Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa boggaadiyey shirkan, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu leeyahay ganacsiga haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay kaalin muuqato kaga jiraan dhismaha dalka, shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha, sidoo kale ay haweenka Soomaaliyeed duruufo badan kala soo dabaasheen wadanka.

Wuxu xusay inay ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay si dhow u taageeraan ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, isla-mar-ahaantaana ay gacanta ku hayaan mashaariicdii iyo siyaasadihii lagu dhiiri-gelinaayey horumarinta ganacsigooda, kuwaasi oo abuuraya jawi degan oo ay ku ganacsan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...