Madaxweyne Farmaajo oo Warbixin ka dhageystay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda Dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddiyada Dastuurka shaqadii wanaagsaneed ee seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay ka soo qabteen qabya-tirka Dastuurka iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen, waxa uuna adkeeyay sida ay dowladda uga go’antahay hirgelinta Dastuur dhammeystiran.

Dhankooda, Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dhammeystirka Dastuurka iyo guulaha ay ka gaareen dadaalkoodii ku aaddanaa dhammeystirkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka guddoomay Hey’adaha qaabilsan Dastuurka nuqul dhammeystiran oo ku saabsan qodobbadii dib-u-eegista ay ku sameeyeen iyo habraacii lagu shaqayn lahaa.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...