Xidigaha Xulka Koonfur Galbeed oo afka ciidda u daray dhigooda Jubbaland.

Date:

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedkada oo ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah xulka difaacanaa sanadkan koobka, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta ee Koonfur Galbeed.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badan, inkasta oo xidigaha xulka Jubbaland ay heleen gool ku laad, balse Goolhayaha Kooxda Koonfur Galbeed uu si wacan uga badbaadiyay gool ku laadkii loo dhigay Jubbaland, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday xidigaha Xulka Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...