Maamulka Gobolka Bakool oo digniin u diray ganacsatada Gobolka

Date:

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo sidii ay dib u furi lahaayeen waddooyinka xiran ee soo gala magaalada Xudur, maadaama ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shahaab, kuwaasi oo dhibaato ba’an ku haya gaadiidka xamuulka ee raashinka geeya magaalada Xuddur.

Guddoomiye Shiine oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulan  dhawaan uu la qaatay ganacsatada kala hadlay in gaadiidka xamuulka ay soo mariyaan waddooyinka dowladda gacanta ku heyso, isagoo digniin u diray ganacsatada baal marto awaamiirta maamulka.

“Ganacsatada waa labo nooc, kuwo fuliyo awaamiirta maamulka iyo kuwo iska indha tiro amarada, anaga ka maamul ahaan waxaa naga go’an illaalinta hantida iyo muwaadiniinta, sidaa darteed waxaan rajaynaynaa inay ganacsatada u hogaansami doonaan go’aanada maamulka “ayuu yiri Guddoomiye Shiine.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay barakacayaasha ku sugan Xudur, ayaa waxa uu sheegay inay sameyn doonaan qorsheyaal dib loogu celin doono deegaannada ay ka soo barakaceen, ayna ka dulqaadi doonaan haraadiga argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...