Xanuun cusub oo ka mid ah Corona oo laga helay UK.

Date:

Guddiga xaaladaha deg dega ah ee dalka UK ee loo yaqaan Cobra, ee uu hogaamiyo Ra’isulwasaaraha  dalkaasi ayaa yeelanaya maanta oo isniin ah kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah xanuunka Corona  oo laga helay gudaha dalkaasi Ingriiska.

Feyraskan oo si lixaad leh ku faafaya  qeybo badan oo ka mid ah UK ayaa sababay in la soo saaro xayiraado kale oo hor leh.

Guddiga Cobra ayaa waxaa horyaala arrimo ay mid yihiin qaabka faafida cudurka looga hortagayo iyo sida loo wajahayo waddamo badan oo mamnuucay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama ka imaan jiray UK.

Dalka faransiiska ayaa xiray surinka biyaha ee English Chanel oo ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyaha sida xamuulka kala duwan.

Faransiisku waxay sheegeen in ay hakiyeen dhamaanba safaradii UK kaga  imaan jiray  48 saac, si loo xakameeyo xanuunkan cusub ee ka dilaacay gudaha dalkaasi.

Sidoo kale waxaa joogsaday isu socodkii tareenka dheereeya ee badda hoose mara ee Euro star kaas oo isku xiray UK  iyo Yurub inteeda kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...