Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta amniga

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta ku guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirrada amniga dowladda Federaalka mudane Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, ayaa ka hadlay arrimihii shirka looga hadlay oo ay ugu horeyso xoojinta Nabadgelyada.

Wasiirka Amniga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ciidamada Qaranka uga tacsiyadeeyay saraakiishii shalay ku shahiiday qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, isagoo Ummadda Soomaaliyeed tacsi u diray, Allena uga baryay in uu janadii fardowza ka waraabiyo.

“Nimanka falkaas geystay waa niman Diinta qaloociyay, dalka dumiyay, oo dadka naga laayay oo cudur ah, dadkaasina waa laga guuleysan doonaa gabaabsi ayayna marayaan, howshooda waa gabaabsi, waana laga guuleysan doonaa, ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed ee Nabadda jecel oo dalkooda iyo diintooda dhisanaya, iyagaa guuleysan doona” ayuu yiri Wasiirka Amnniga mudane Xasan Xundubey Jimcaale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...