Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Jabuuti oo madaxda IGAD ay ku yeelanayaan shir aan caadi ahayn.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq oo qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan oo ah kii 38-aad ee aan caadiga ahayn oo ay isugu ay ka qayb galayaan Madaxweyanayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha Wadamada IGAD.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalalka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saari doono khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Soomaaliya ayaa todobaadkii hore warqad astako ah oo ka dhan ah Kenya u dirtay Ra’iisal wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk oo xilligan ah gudoomiyaha IGAD, taas oo ay ka dhalatay in la qabto shir deg deg ah oo arrintan iyo xaaladaha kale ee wadamada IGAD dhexdooda ka jira looga hadlayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...