Ra’iisul wasaare Rooble oo kula kulmay Isimmadda Dhaqanka Puntland Magaalada Garoowe+SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo  magaalada Garowe kulan kula yeeshay Isimmada iyo qeybaha bulshada rayidka Puntland ayaa uga waramay xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoygooda Garoowe ku booqday Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, dhisidda nabadda iyo isku haynta bulshada.

Waxa uu sidoo kale ka dhageytay  talooyinkooda ku aaddan dowladnimada iyo sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka ummadda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo uu warbixin ka siiyay guud ahaan xaaladda dalka iyo qaabka dowladdu u wajaheyso arrimaha ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalku galayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshda rayidka ku ammaanay kaalintooda dowlad dhiska iyo dhiirrigalinta nabadda,kuna boorriyay inay doorkooda ka qaataan arrimaha taagan sida doorashooyinka oo ay talo iyo saameynba ku leeyihiin.

Wakiillada Bulshada Rayidka ah ayaa dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ahaa oo la xiriira arrimihii la isla soo qaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...