Shirka Amniga doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho ka furmay+(SAWIRRO).

Date:

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021,kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay ,iyo AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka.gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka ,miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha ciidamada booliska dowlad goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...