Golaha Wasiirada XFS oo ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya.

Date:

Golaha Wasiirada XFS, ayaa ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya oo ah sharci muhiim u ah nidaaminta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda macaamilka kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka shaqeynaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sidoo kale na soo maray la-tashiyo iyo marxaladihii kala duwanaa ee loo baahnaa.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goob-joog ka ahaa ansaxintii sharciga, ayaa sheegay in sharcigani uu rasmi ka dhigayaayo ganacsiga, sidoo kale na uu kor-u-qaadayaa kalsoonida macaamilka isla-mar-kaana uu fududeynaayo hab-raaca codsiga iyo bixinta laysinka ganacsiga maadaama sharcigu ogolaanaayo in si onlayn (online) ahaan ah loo soo codsan karo laysinkana loo bixin karo.

Hindise-sharciyeedkan, ayaa qeyb ka ah dedaalada ay Wasaaraddu ugu jirto fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo siddii maal-gashadeyaaaha caalamku kalsooni uga heli lahaayeen inay wadanka maal-gashadaan, waxaana Golaha Wasiirada ka dib loo gudbin doonaa Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu na waajibaadkiisa ka gudan doona.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...