Kumaandooska Soomaaliya oo duqeyn ku dilay 10 ka tirsan Al-shabaab

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka ARICOM ayaa duqeyn cirka ah u gaystay warshad Alshabaab leedahay oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo oo ku taalay nawaaxiga Jilib
ee Soomaaliya.

Qiimayn hordhac ah ee la sameeyey ayaa tibaaxaysa in duqeynta lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan mintidiinta Alshabaab.

Warshadan ayaa caan ku ahayd soosaairidda qaraxyada ismiidaaminta ee ay
Alshabaab qaraxyada ku gaystaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka
Mareykanka ee AFRIKOM ayaa had iyo jeer qaada tallaabooyin wax ku ool ah oo looga taxadarayo waxyeello soo gaadha shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka
Alshabaab, taasoo aad uga duwan falalka argagaxa leh ee Alshabaab si aan kala sooc lahayn ula beegsan goobaha dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ku badanyihiin.

Hogaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in ay ka go’antahay duulamadooda aan ku ekeyn Bariga Afrika ee ay waliba beegsanayaan Caalamka oo dhan, siiba Meelaha uu Mareykanka kaga suganyahay dunida.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykankuba way ka go’antahay la dagaalanka Alshabaab iyo ururada xagjiriinta ee kale si loo badbaadiyo shacabka aan waxba galabsan eel eh rag, dumar iyo carruur ee ku sugan Dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska.

Duqeyntan ayaa waxay Dowladda Soomaaliyeed ka taageereysaa ka takhalusidda
gaboodfalka Alshabaab iyo in mustaqbal ifaya loo helo dadka Soomaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...