Joe Biden oo sheegay in 100 milyan oo qof laga tallaali doono COVID-19 Dalka Mareykanka.

Date:

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, ayaa dejiyay qorshihiisa 100 maalin ah oo ugu horeysay xafiiska taas oo ah in uu tallaali doono 100 milyan oo ruux.

Waxaa uu sheegay in bisha ugu horeysa ee xafiiska, in uusan soo gabagabeyn doonin safmarka hase yeeshee sameyn doono istiraatiijiyadii lagu xakameyn lahaa cudurka COVID-19.

Mr. Biden ayaa magacaabay kooxda kala shaqeyn doono arrimaha caafimaadka marka uu la wareego xafiiska 20 Janaayo ee sanadkan 2021. Waxaa uu dadka Ameerikaanka ah ku booriyay in ay xirtaan af-xirka ama Face Mask muddo 100 maalin ah.

Tallaaladii shalay, waxaa soo baxay war sheegaya in la meel marin doono tallaalka ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech si loo yareeyo khatarta safmarka corona.

Sidoo kale, madaxweyne Donald Trump ayaa ka qeybgalay shir Aqalka Cad lagu qabtay oo ku saabsanaa meel marinta tallaalka.

Mareykanka in ka badan 15 milyan oo kiis ayaa laga diiwaan geliyay iyadoo safmarka coronavirus ugu geeriyoodeen Mareykanka 285,000 oo ruux, sida ay diiwaan gelisay jaamacadda Johns Hopkin

Qeybo badan oo Mareykanka ka tirsan cudurka wuxuu gaaray meeshii ugu xumeyd, tirada kiisaska ayaa kordhaya maalin kasta, xarumaha caafimaadka ayaa buux dhaafay, khubarada ayaa arrintaas la xiriiriyay isu socodka dadweynaha ee maalmaha fasaxa ee loo yaqaano Thanksgiving holiday.

Madaxweynaha la doortay oo saxaafadda kula hadlay magaalada Delaware ayaa u magacaabay xeer ilaaliyaha gobolka California Xavier Becerra madaxa caafimaadka isagoo sidoo kale Rochelle Walensky u magacaabay madaxda xarunta ka hor tagga iyo xakameynta cudurada faafa ee CDC.

“100 maalin waan ku bedeli karnaa sida uu hadda yahay cudurka sidoo kale nolasha dadka Mareykanka waxaa u bedeleynaa dhanka wanaagsan,” Biden ayaa sidaa yiri.

Kooxda Joe Biden, u xushay la dagaalanka safmarka waxaa ku jira Dr Anthony Fauci isagoo noqon doona la taliyaha dhanka caafimaadka ee safmarka corona.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...