Dhallinyarada Gobolka Mudug oo dhireyn ka billaabay deegaanno ka tirsan Gobolka+(SAWIRRO).

Date:

Dhallinyarada gobolka Mudug ayaa bilaabay Barnaamij wacyi galin iyo sidoo kale Dhir beeris taasoo qeyb ka ah Hormarinta Deegaanka.

Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada Jiildhis Madar Axmed Geelle aoo Barnaamijka Hormuud ka ah ayaa sheegay in dhir beerista ay ka billaabay deegaannada gobolka Mudug muhiimad gaar ah ay u leedahay Deegaanka.

Dhallinyaradan ayaa si gaar ah isugu abaabulay dhireynta gobolka waxayna dhir beeris iyo wacyigelin ka billaabeen deegaannada Bitaale iyo Bandarqaali ee bariga magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyaradan isku xil-qaamtay dhireynta deegaanka ayaa ku dhawaad 100 geed gaarsiiyay geegaanadaasi kuwaasi oo loogu talagalay dib u soo celiyo bilicda deegaanka, waxeyna sheegeen in ay gaari doonaan deegaannada kale ee Galmudug.

Dhirta ayaa deegaanka u leh faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin quruxda deegaanka iyo is beddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...