Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 14-aad ee aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hirgalay ee dowladdu ay ka qabatay dib u dhiska Ciidamada, dhab u heshiisiinta, adkeynta daris wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay isgaarsiinta Internetka ayaa soo jeediyey in la xoojiyo qorshaha Midowga Afrika ee Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda.

“Guud ahaan qaaradda Afrika khilaafyo badan ayaa la xaliyay, caqabadaha aan xalka loo helin ee nabadda iyo amniga ee Afrika waa kuwo curyaamiyey fursadaha dadkeenna. Markii aan dhigno qoryaha oo si xilkasnimo leh u xallinno khilaafaadka waxaan gaaraynaa horumar waara”.

Sidoo kale, Maaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Midowga Afrika guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, waxaa uuna tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha Aamusinta Qoriga iyo xaqiijinta xasilloonida qaaradda.

“Waxaan si buuxda u aaminsanahay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ay horseedi karaan amni ay ku diirsadaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka. dalkeenna waxaa saaran cunaqabatayn dhanka hubka ah taas oo caqabad ku ah halgankeenna ku aaddan xoreynta dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda dalalka Afrika sida shacabka Soomaaliyeed ay waayo-arag ugu noqdeen colaadihii sokeeye ee soo maray, dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay iyo halgankii soo kabashada dalkeenna.

Shirkan oo uu guddoomiyey Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa ka qeyb galkiisa waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Mudane Cabdisiciid Maxamed Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...