Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hawlaha guud oo gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee wasaaradda+(SAWIRRO).

Date:

Shirkan oo ay ka qayb galeen agaasimaha guud iyo dhamman agaasime waaxeedyada kala duwan ee wasaaradda ayaa waxaa ajandaha maanta uu ahaa.

Soojeedinta warbixinta qorshahe hawleedka wasaaradda ee 2020-2021 oo uu soo jeediyey agaasimaha qorshayn wasaaradda hawlaha guud c/laahi shiikh Abuukar waxa uu shirka kusoobandhigay jaantus ay ku qoranyahay qorsha Hawleedka wasaaradda sida; mashaariicda, dhismaha waddooyinka, buundooyinka & qiimayn ay wasaaraddu kuwaddo dhismayaasha haayadaha dowladda oo wasaaraddu ay waddo, qaar koodna ay dhammadeen, halka kuwa kalena ay gaba gabo ku dhowyihiin.

Soobandhigsta naqshadda dhismaha cusub ee wasaaradda hawlaha guud oo ay soo jeediyeen agaasimeyaasha dhismaha & dib u dhiska ee wasaaradda.

Warbixin la xiriirta qiimaynta xarunta ay wasaaraddu ay hadda ku shaqayso oo ladoonayo in dib u dayactir lagu sameeyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane axmed maxamed iimaan ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shaqada wasaraadda qorshe hawleedkeedu in looqabto sidii loogu tala galay.

Wasiir cabdinaasir xuseen geedi ayaa soo xiray shirka aya ku ammaanay Agaasimayaasha sida ay u soodiyaariyeen warbixinta qorshahe hawleedka Wasaaradda ee 2020-2021, bandhigga naqshadda dhismaha cusub ee wasaaradda hawlaha guud iyo warbixta dib u dayactirka wasaaradda.

Tan iyo markii ra’isal wasaare rooble u soomagacaabay wasaaradda wasiirada cusub ayaa waxaa aya waxa ay sheegeen inay ka go’antahay dardar-galinta shaqada wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...