Saameynta duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha soomaaliya dabayaaqadii bishii November ayaa ka jirta wali qeybo ka mid Puntland.

Date:

Heyada UNOCHA ee qaramada ee qaramada midoobe waxa ay sheegtay in qiimeynta la sameeyay ay muujineyso in dad ka badan 120,000 oo qof ay saameysay duufaanta gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso,Xaafuun,isku shuban,Hurdiya iyo Gumbax.

42,000 ayaa guryahooda si ku meel gaar ah uga salkacay kadib markii ay biyo galeen halka kuwa kale duufaantu saqafka ka qaaday.

50% dadka sal kacay waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo isugu jira hooy,cunto iyo daryeel caafimaad.

Maamulka Puntland iyo heyadaha samafalka ayaa wada dadaal lagu taageerayo dadka duufaanta waxyeelada ugu badan gaarsiisay.

26 fasal oo ardayda ay wax ku baraneysay ayaa duufaanta ku burburay waxaana ay arintan saameysay ilaa 700 oo arday .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...