Xasuuqii Hotelka Shaamow Maanta oo kale 3da December 2009kii waxaa ku dhintay indhihii bulshada Soomaaliyeed.

Date:

Maanta oo kale (3-da December) ee sandkii 2009 waa maalin dadka Soomaaliyeed aanan marnaba dareenkooda hilmaami doonin xasuuqii ka dhacay hotelka shamoow ee magaalada Mudisho oo ay ku nafwaayeen dad fabadan oo qeyb-ka ahaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.

Dadkii ku shahiiday waxaa ka mid ahaa suxufiyiin, Arday, waalidiin, wasiirkii Caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah ee uu ka mid ahaa Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Wasiirka waraafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay sida dadka Soomaaliyeed ay utaabatay dhacdadaan ayaa sheegay in weeraarkaasi lagu waayay xubnihii ugu muhiimsanaa dowladda iyo ubuxii dalka.

“Xubnihii ugu muhiimsanaa ee dowladda iyo indhihii bulshada ayaan ku weynay masiibadii Hotelka shaamow hase ahaatee kuwii ka dambeeyay falkaasi iyana kama dambeynin oo waa la arka waxa ay dalkaan ka yihiin waana uga tacsiyadeynaa inagoo shuhadado alle uga baryeyna janadiisa Fowso ayuu hadalkiisa ku daray

Wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in kow iyo toban sano ka dib wali ay dadka Soomaaliyeed dareemayaan xanuunka xasuuqii hotelka Shaamow.

“Kow iyo toban sano kadib waan dareemeynaa xasuuqii foosha xumaa ee ka dhacay Hotelka shaamoow waxaana ay aheyd mid taabatay quluubta shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri wasiirka Bayle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa “Maanta shuruucdii adduunka waa dhammaatay,dalna ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed oo la kulmay saraakiisha amniga

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...