Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada Cali Yaasiin Gurbe, Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Liibaan Cabdiraxmaan, Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday goob dalxiis oo ku taalla duleedka degmada Kaxda.

Wasiirka Cabdulfataax iyo Mas’uuliyiintaan ayaa bogaadiyay horumarka dalxiiska gudaha. Waxay sidoo kale xuseen in goobahan ay ka tarjumayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka ka jira caasimadda Muqdisho, isla markaana ay muujinayaan guulaha la taaban karo ee laga gaaray sugidda amniga caasimadda, ku habboonaanta dalxiiska iyo dib u soo nooleynta nolosha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...