Xukuumadda Soomaaliya oo ku bogaadisay shacabka degaanka Bacaadweyne geesinimo dirirka iyo sida ay u garab istaageen ciidanka Qaranka

Date:

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku bogaadineysaa Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda
argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020.

Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen
Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan
si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda
Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri “Taliska
Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo ka
tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro
horjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jira
Askar iyo Shacab”.

Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray
ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle
caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo
maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka
go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la
taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Halkan Hoose ka Akhriso.

Warsaxaafadeedka-Degaanka-Bacaadweyn

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...