Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka iyo ra’isulwasaaraha itoobiya oo wada hadal dhanka taleefanka ka yeeshay xaalada itoobiya.

Date:

Sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaarada arimaha dibada Mareykanka waxaa taleefan ku wada hadal ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed iyo xoghayaha umuuraha dibadda ee Mareykanka Michael R. Pompeo.

Michael R. Pompeo ayaa ku booriyay Abiy Ahmed in uu dhameeyo colaada waqooyiga itoobiya islamarkaana uu bilbaabo wada hadal wax dhisa oo dhibaatada lagu xaliyo.

Inkastoo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka garawsaday ku dhawaaqidii itoobiya 28 November ee ahayd in dagaakii weynaa la soo afjaray hadana wuxuu muujiyay walaaca weyn ee Mareykanku ka qabaan colaada socota iyo qatarta dagaalku leeyahay.

Xoghayaha wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in dadka rayidka oo ay ku jiraan qaxootiga Sudan u baxsanaya laga ilaaliyo waxyeelo kale oo dheeri ah islamarkaana heyadaha gaargaarka loo ogolaado gobalka Tigray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...