Yaa ku guuleysan doono koobka tartanka kubadda cagta Degmooyinka gobolka banaadir?

Date:

Galabta waxaa la filayaa inay garoonka Eng.yariisoow ay isku wajahaan ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka banaadir oo ay isagu soo hareen kooxaha degmooyinka deriska ah ee Cabdi casiis iyo Shangaani.

Galabta waxaa la filayaa in garoonka ay soo buuxdhaafiyaan taageerayaal farabadan maadaama  garoonka uu taageerayaasha labada kooxda usahlanyahay imaatinka.

Hadii aan ku horeyna kooxda kubadda cagta Cabdicasiis waxa ay wareega afar dhamaadka ee ciyaarta kama dambeysta lagu yimaada uga soo adkaatay kooxda degmada Xamar Jajab oo ay ku kala baxeen rigoorayaal 3-I oo ay ku adkaatay kooxda Cabdicasiis.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Shingaani  ayaa usoo baxday  fiinaalka  tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir 2020  kadib Markii ay rigoorayaal uga badisay   kooxda kubadda cagta degmada Dharkeynley.

Ciyaartaan ayaa waxa xiiso uyeelayo maadaama uu ka dhaxeeyo xilfaatan adag waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan masuuliyiin ka tirsan gobolka banaadir dowladda federaalka iyo bahda ciyaaraha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...