(AKHRISO) Maxaad kala socotaa saynisyahanadii Iiraan ee la dilay?.

Date:

Dilka loo geystay caalimkii Nuclear-ka Iiraan Muxsen Fakhri Zadeh, wuxuu caalamka dib u xasuusiyay musalsalkii dilka ee lala beegsan jiray Saynisyahanada u dhashay dalka Iiraan sannadihii lasoo dhaafay.

Intii u dhaxeysay 2010 iyo 2012 waxaa la dilay afar caalim oo aqoon durugsan u lahaa Nuclear-ka, waxaana ka badbaadiyay mid shanaad.

Dilka dhammaan khubaradaas waxaa lagu eedeeyay Hay’adda Sirdoonka Isra’iil ee loo yaqaan Mossad.

Waa kan liiska Saynisyahanadii la dilay:
1. Ardashiir Xuseen Buur
Ardashiir wuxuu ahaa saynisyahan Nuclear-ka ah, kuna takhasusay cilmiga fiisigiska sidoo kalena wuxuu ahaa khabiir electromagnetism,wuxuuna u dhintay si la yaab leh bartamihii January 2007.

Dhimashadiisa lama shaacin illaa dhwor maalin, waxaana la rumeysanyahay in la sumeeyay.

Ardashiir ayaa ku jiray liiska ay baadi goobayeen sirdoonka isra’iil mudda dheer.

2. Mascuud Cali Muxamaddi
Mascuud wuxuu isna ahaa caalim aqoon durugsan u leh cilmiga Fiisigiska, wuxuuna ka tirsanaa Jaamacadda Tehraan.

Mascuud waxaa lagu dilay gurigiisa hortiisa January 2010, waxaana ku qarxay bamboo lagu xiray baaskiil oo la ag dhigay gaarigiisa.

Waxaa dilkiisa loo qabtay nin u dhashay Iiraan kaas oo ugu danbeyn qirtay inuu la shaqeeyo sirdoonka Israa’iil, waana la toogtay.

3. Majiid Shahriyaari
Ninkaan ayaa ahaa saynisyahan Nuclearka ah iyo Injineer la shaqayn jiray hay’adda tamarta ee Iiran, waxaana la dilay 29-November-2010.

Waxaa ku qarxay bomb loogu xiray gaarigiisa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saaxibkiis oo isna ahaa caalim kale.

Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay dilkiisa inay ka danbeeyaan dowladda Maraykanka iyo sirdoonka Israa’iil.

4. Daariush Redaa’i Najaad
Wuxuu ahaa cilmi baare sare oo heysta shahaadada PhD, waxaana xabbad lagu dhiftay isagoo taagan gurigiisa hortiisa July 23, 2011.

Ninkaan oo dhallinyaro ahaa ayaa kaalin wayn ku lahaa mashruuca Nuclear-ka ee dalka Iiraan.

5. Mustafa Axmadi Roshen
Mustafa wuxuu ahaa saynisyahan aqoon durugsan u leh arrimaha Nuclearka, wuxuuna kasoo shaqeeyay, heer maamulna ka gaaray warshadda tamarta nuclear-ka Iiraan.

Aqoonyahankaan ayaa la dilay Janaayo 11, 2012, waxaana dilkiisa loo adeegsaday qarax mooto.

Israa’iil ayaa dhowr jeer u hanjabtay saynisyahankaan oo la rumeysanyahay inuu gacanteeda ku baxay.

6. Muxsin Fakhri Zadeh
Muxsin ayaa ku biiray liiska dilka loo geysanaayo aqoonyahanda u dhashay Iiraan, waxaan la dilay Jimihii la soo dhaafay isagoo 63 jir ah.

Caalimkaan oo ka mid ahaa ragga ugu waawayn mashruuca nuclear-ka Iiraan ayaa lagu dilay magaalada caasimadda u ah Iiraan ee Tehraan.

Ciidamada loo yaqaano ilaalada kacaanka Iiraan ayaa ku hanjabay inay u aar gudi doonaan Muxsin, iyagoo eed dusha uga tuuray sirdoonka Israa’iil.

F.G: Waxaa jira saynisyahana kale oo muslimiin ah oo la dilay laakin warbixintaan waxay gaar u tahay kuwa u dhashay dalka Iiraan.

W/Tarjumay: Axmed Maxamed Axmed (Caato)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...