Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed kaga qeyb galay Aalada Fogaan Araga.

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aaladda internetka kaga qeyb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee GSD ayaa soo bandhigay fursadaha horumarineed ee ka jira dalkeenna una baahan iskaashi iyo wadajir ah si looga faa’iideysto kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la wadaagay Qurbajoogta Soomaaliyeed horumarka Maalgashi ee dalka laga sameeyay iyo kobaca dhaqaale, isagoona tusaaleeyay fursaddaha shaqo loogu abuuri karo dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo door firfircoon ku leh dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa ay door weyn ka soo qaateen dib u heshiisiinta, Dowladnimada iyo horumarinta bulshadeenna ku nool gudaha, waxaa xusid mudan tan iyo burburkii dalkeenna in ay jiraan xarumo Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsi ay ka hirgeliyeen dalkooda hooyo qurbajoogta, waxa ayna qeyb ka tahay dadaallada joogtatada ah ay ku bixiyaan soo kabashada dalkeenna”

Sido kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka kala duwan ee dalkeenna oo ay ugu horreeyaan horumarinta maalgashi xirfaddaha, Dalxiiska, Tamarta, kalluunka iyo hal abuurnimada ay dadkeenna hibada u leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qurbajoogta Shirka ka soo qeyb gashay ku dhiirrigeliyay isku xirnaanta iyo in ay hormuud u noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, iyagoo abuuraya mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed u herseeda barwaaqo waarta.

Dhankooda qurbajoogta Soomaaliyeed ee shira ka soo qeyb galay ayaa dowladda ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixineyso xaqiijinta amniga, kor u qaadidda dowladnimada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...