Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed kaga qeyb galay Aalada Fogaan Araga.

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aaladda internetka kaga qeyb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee GSD ayaa soo bandhigay fursadaha horumarineed ee ka jira dalkeenna una baahan iskaashi iyo wadajir ah si looga faa’iideysto kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la wadaagay Qurbajoogta Soomaaliyeed horumarka Maalgashi ee dalka laga sameeyay iyo kobaca dhaqaale, isagoona tusaaleeyay fursaddaha shaqo loogu abuuri karo dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo door firfircoon ku leh dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa ay door weyn ka soo qaateen dib u heshiisiinta, Dowladnimada iyo horumarinta bulshadeenna ku nool gudaha, waxaa xusid mudan tan iyo burburkii dalkeenna in ay jiraan xarumo Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsi ay ka hirgeliyeen dalkooda hooyo qurbajoogta, waxa ayna qeyb ka tahay dadaallada joogtatada ah ay ku bixiyaan soo kabashada dalkeenna”

Sido kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka kala duwan ee dalkeenna oo ay ugu horreeyaan horumarinta maalgashi xirfaddaha, Dalxiiska, Tamarta, kalluunka iyo hal abuurnimada ay dadkeenna hibada u leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qurbajoogta Shirka ka soo qeyb gashay ku dhiirrigeliyay isku xirnaanta iyo in ay hormuud u noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, iyagoo abuuraya mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed u herseeda barwaaqo waarta.

Dhankooda qurbajoogta Soomaaliyeed ee shira ka soo qeyb galay ayaa dowladda ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixineyso xaqiijinta amniga, kor u qaadidda dowladnimada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...