Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u dabbaal degaya sanad guuradii 69-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

Date:

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba,Waxaana  ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Sanadihii ka sii dambeeyay ee ay dowladnimadu sii wiiqantay, wali Radio Muqdisho hawada ayuu ku jiray, hadba geed ayuu soo harsaday, hadbana duruuf ayuu ku jiray. Waxaase hubaal ah in uu mar walba kaga duwanaa idaacadihii kale ee dalka ka jiray in uu yahay dhaxal Soomaaliyeed oo fac weyn, kaas oo waxa ka baxaya ee suugaan iyo  taariikhba leh ay dadka Soomaaliyeed xusuusinayeen taariikh dheer oo la soo maray iyo dhaxal ay iyagu leeyihiin.

Mudadii uu jiray ilaa Saddex Magac ayaa loo yaqaanay, Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku waas oo la socday marxaladihii uu dalku soo maray .

Radio Muqdisho…Codka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya, Radio Muqdisho..Codka Shacabka iyo Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.. Intaas oo magac iyo hal ku dhag waxaa loola jeedaa Radio Muqdisho.

Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa u dabbaal degaya sanad guuradii 69-aad ee na soo wareegtay markii dhidibada oo taagay , tan iyo xilligaas ilaa iyo maanta waxaa uu u taaganyahay soo gudbinta warar iyo Barnaamijyo ku qotama dhacdooyinka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...