(DAAWO) SAWIRRO: Dabaal dega Sanad guurada 69-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Radio Muqdisho.

Date:

Radio Muqdisho oo dhidibada loo taagay Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon. Waxa ay eheed raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha Af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad Waxaana  ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Munasabada sanad guurada idaacada waxaa ka qeybgalay wasiiro, iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dalka .

Masuuliyiinta ka qeyb-galay munaasabadda ayaa si wadajira u daadihiyay Barnaamijka madasha dhalinyarada oo si maalin la ah uga baxa Idaacada Radio Muqdisho iyagoo dhageeystay arragtida bulshada oo barnaamijka uga qeyb-galayay qadadka taleefanada.

Agaasimaha Idaacada Yaxaye Cali Farax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska  Cabdinaasir Xuseen ayaa ka hadlay taariikhda idaacada iyo marxaladiihii kala duwana ay ku shaqeeyeen.

Wasiirka wasaaradda dastuurka xukumadda federaalka Soomaaliya Salah Axmed jaamac ayaa bogaadiyay shaqada ka socda radio Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Dubbe ayaa u bogaadin iyo hambalyo u diray shaqaalaha idaacada.

Idaacada radio muqisho waxa ay soo saartay Wariyaal iyo fanaaniin magac weyn ku leh bulshada kuwaasi oo bulshadu xiligii barisamaadka ay ka dhageeysan jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...