Wasiirka Howlaha guud JFS Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa shirka todobaadlaha la yeeshay Madaxda Qeybaha kala duwan ee Wasaaradda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Xil Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo uu wehlinayo Wasiir kuxigeen Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Geedi ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Wasaaradda.

Shirka oo ka qayb galay Agaasimaha Guud iyo dhamman Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda ayaa waxaa lagu falanqeeyey qodobada kala.

Dhagaysiga Warbixinta safarki shaqo Ee uu hogaaminaayay Ra’isulwasaaraha JFS Wasiirkuna uu ka mid ahaa ee lagu tagay Magaalada Baydhabo Xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Dhagaysiga Warbixinta Mashruuca SSIWP ee UNPOS oo laga dhegaystay Agaasimaha Mashaariicda Iyo dhagaysiga Warbixin laxiriirta qiimayn dhisme oo Wasaaradda Hawlaha guud ay kusamaysay dhismayaal dawladeed oo dhowr ah.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xil Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa shirka Warbixin kasiiyey safarkii shaqo ee uu dhowaan kutagay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Maamulka KGS waxa uu sheegay in safarkaas oo uu hogaaminaayay Ra’isulwasaaraha uu kusoo idlaaday si guul ah.

Shirka Todobaadlaha ee Wasaaradda ayaa ah mid lagu gorfeeyo isla markaana lagu dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda, kaasoo ay isugu yimaadaan Wasiiradda, Agaasimaha Guud & Dhammaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...