Ra’iisul wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan Deg deg ah isugu yeeray Laamaha Amniga Dalka+(SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan falkii argagixisadu ay xalay ku gumaadeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada ay ku sugayaan amniga caasimadda.

“Waxaa laga sugayaa Hay’adaha Amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darreynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada.”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka dhegaystay Wasiiradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si aysan cadowgu ug afaa’iideysan.

Masuuliyiinta ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Gurmadka Caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii naf-hallignimada ahaa iyo dadaalkii ballaarnaa ee lagu bixiyay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkan wuxuushnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey.

—DHAMMAAD—-

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...