Kumanaan dadweyne ah oo ka qeyb-galay aaska R/W Hore ee Sudaan Saadiq Almahdi.

Date:

Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay aaska Caalimkii Sadiq Al-Mahdi,Ra’iisulwasaarahii hore ee Sudan ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah, magacna  ku lahaa dalkaasi ayaa shalay khamiis ku geeriyooday dalka imaaraadka , isagoo jira 84,  waxa  u geeriyood  xanuuna virus-ka Corona .

Maanta oo jimca ah  aaska Sadiq almahdi waxaa ka soo qayb galay Kumanaan qof oo baroordiiqaya waxaana lagu saasay dalka Suudaan.

Sidoo kale aaska loo sameynayo madaxa xisbiga mucaaradka ee “National Umma Party “ iyo Raiisul wasaarihii hore ee Suudan ayaa ka bilaabatay caasimada Sudan ee Khartuum maanta oo jimce ah iyadoo ay goob joog ka ahaayeen dadweyne aad u fara badan oo taageerayaashiisa ah oo ku sugnaa magaalayoonka Omdurman iyo khartoum.

Meydka markiu laga soo  degiyay garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa waxaa soo dhoweeyay subaxnimadii maanta dad aad u tiro badan oo baroor diiq ah,

Sidoo kale  waxaa ka qayb galay aaska saadiq almahdi  hogaaminayo  golaha ciidmada , Cabdifataax Al-Burhan, iyo Ra’iiswasaaraha sudaan Abdullaha Hamdok , iyo masuliyiin kale, halkaas oo aas qaran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha, waxaana lagu aasay qubuuraha  ummu durmaan oo loo yaqaan “Qabuur  Al Mahdi,”  Halkaas ooh ore loogu aasay hoggaamiyeyaashii hore ee xisbiga umma  ee  magaalada Omdurman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...