Ra’iisul Wasaaraha oo Baydhabo ka dhagax-dhigay Mashaariic Horumarineed+(SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu xoogga saareyso dhismaha kaabayaasha adeeggyada bulshada.

Saddexda mashruuc ee Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagax dhigay Xaafadda Barwaaqo ayaa kala ah Dhismaha Machadka daraasaadka Islaamka, Xarunta Xannaanada carruurta iyo Isbitaal, si deegaanku u noqdo mid laga helayo dhammaan adeegyadii isaasiga ahaa.

“Maanta waxaan dhagaxdhignay xarumo muhiim u ah bulshada deegaanka Barwaaqo, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay shacabka deegaanka ayaa kula dardaarmay in maamulka lagala shaqeeyo dib u dhiska, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala heerar kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...