Raโ€™iisul Wasaaraha oo Baydhabo ka dhagax-dhigay Mashaariic Horumarineed+(SAWIRRO).

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu xoogga saareyso dhismaha kaabayaasha adeeggyada bulshada.

Saddexda mashruuc ee Raโ€™iisul Wasaaruhu ka dhagax dhigay Xaafadda Barwaaqo ayaa kala ah Dhismaha Machadka daraasaadka Islaamka, Xarunta Xannaanada carruurta iyo Isbitaal, si deegaanku u noqdo mid laga helayo dhammaan adeegyadii isaasiga ahaa.

โ€œMaanta waxaan dhagaxdhignay xarumo muhiim u ah bulshada deegaanka Barwaaqo, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ahโ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Rooble.

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay shacabka deegaanka ayaa kula dardaarmay in maamulka lagala shaqeeyo dib u dhiska, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala heerar kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...